Dawada Nafta

by Mohamed Salah, Ali
ISBN: 9788269367775
Availability:
  • Online Only
$14.24

Available Offers


Pickup at {0} Out of stock at {0} Check other stores
FREE -
Ship to Me
$3.99 -

Overview

DAWADA NAFTA waa buug si qoto dheer u falanqeynaya nafta aadanaha iyo cudurrada ay la kulanto. Wuxuu si faahfaahsan u sharxayaa xaaladaha kala duwan ee naftu leedahay iyo sida loo daaweeyo cudurrada nafta ku dhaca sida hawo-raaca, iscajabka, islaweynida, istuska iyo xasadka. Buuggu wuxuu ka kooban yahay laba cutub oo waaweyn. Cutubka koowaad wuxuu faahfaahinayaa macnaha nafta, xiriirka ay la leedahay qalbiga, caqliga, jirka iyo ruuxda. Wuxuu sharxayaa sida loo hufiyo nafta iyo sida loola halgamo. Cutubka labaadna wuxuu si qoto dheer u falanqeynaya cudurrada nafta ku dhaca, astaamaha lagu garto, sababaha keena iyo daawooyinkooda. Dr. Cali Maxamed Salaax wuxuu adeegsaday Quraanka, Sunnada Nabiga ﷺ, iyo aqoonta culimada si uu u sharxo aragtidiisa ku saabsan daaweynta nafta. Wuxuu si gaar ah u falanqeeyey hannaanka ay culimadii hore u daaweyn jireen naftooda iyo casharrada laga baran karo. Buuggan waa il qiimo leh oo muhiim u ah qof kasta oo doonaya inuu fahmo naftiisa, cudurada ku dhaca iyo sidii uu uga bogsan lahaa.

DR CALI MAXAMED SAALAX waa aqoonyahan diimeed, waa cilmi baare wax ka qoray culuum kala duwan sida xadiiska, culuum Quraanka, fiqiga iyo is bar-bar dhiga diimaha; (Yuhuudiyada, kristaanka iyo Islaamka) oo uu ka gaarey derajada (professor). Sanadkii 1991-kii, Dr Cali wuxuu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka Xadiiska iyo Diraasaadka Islaamka Jaamacadda Madiina, Sacuudi Carabiya, kadibna wuxuu ka qaatay shahaadada Master-ka cilmiga diinta iyo Diraasaadka Islaamka Maka sanadkii 1994-kii, ka dibna sanadkii 2000 wuxuu ka qaatay Doktoraadka Falsafadda iyo Diimaha Is-barbardhiga ah Jaamacadda Qaranka ee Malaysia. Ugu dambeyntii sanadkii 2020-kii, wuxuu ka qaatay Shahaadada Norwegian center for arbitration and legal services. Buugaagta uu Dr Cali daabacay waxaa ka mid ah kuwa Ingiriiska ah: Qur'aan: Moral Compass of the Believer (Looh Press, 2023); Evil Eye: Reality and Remedy (Looh Press, 2023); The Shield of Islam (Looh Press, 2024); Domestic Peace: Quranic Guidance for Building Healthy Family Bonds (Looh Press, 2024); The Pearls: An Anthology of Lectures on Morality, Spirituality, and Intellectualism (Looh Press, 2024); Jinn & Black Magic: Understanding The Reality & Seeking Remedies in Islamic Theology (Looh Press, 2024); 10 Stories from the Prophet: Reflections & Insights (Looh Press, 2024); The Abrahamic Paradigm: Pluralism, Salvation, and the Challenges of the Contemporary Abrahamic Trialogue (Looh Press, 2024). Kuwa Carabiga ah uu qoray waxaa ka mid ah: al-Takmiilah fii Taxqiiq Axaadiis min Jamcil Fawaaʾid: Qism al-Tafsiir (Looh Press, 2023); al-Islaam wal-Diyaanataanii al-Yahuudiyyah wal-Masiixiyyah: Muqaaranaat fii al-Uṣuul al-ʿCaqadiyyah (Looh Press, 2024). Kuwa Af-Soomaaliga ku qoran waxaa ka mid ah: Tiryaaq: Dawada Shubhada-turjumaad (Yaqiin Press, 2024); Dawada Nafta (Looh Press, 2025); iyo qoraallo kale oo badan. Hadda, Sheekh Dr. Cali Maxamed Salaax wuxuu qayb ka ahaa asaaska machadaka Iqra academy, sidoo kalena wuxuu soo qabtey jagada ah maamulha Iqra Foundation. Wuxuu haatan imaam ka yahey markazka Tawfiiq Islaamic centre.

  • Format: Trade Paperback
  • Author: Mohamed Salah, Ali
  • ISBN: 9788269367775
  • Condition: New
  • Dimensions: 9.00 x 0.47
  • Number Of Pages: 204
  • Publication Year: 2025
Language: Somali

Customer Reviews (0)

This title hasn’t been rated yet...be the first!